Kooxda Liverpool oo weyn doonta Saddex Ciyaaryahan

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayay miiska u saaran yihiin saddex dalab oo laga soo gudbiyey saddex ka mid ah ciyaartoydeeda, kuwaas oo ay u badan tahay inay ka tagaan Anfield muddada kooban ee uu suuqa iibka ciyaartoydu sii furan yahay.

Liverpool ayaa xagaagan ay usoo laabteen dhawr ciyaartoy oo amaah kaga maqnaa, waxa kale oo safteeda kusoo kordhay saddex saxeex oo afka hore, khadka dhexe iyo difaaca ah oo tababare Jurgen Klopp uu safkiisa ku xoojinayo.

Reds oo horyaalka Premier League difaacanaysa kaddib xili ciyaareed ay soo raaxaysatay oo ay 18 dhibcood ku qaadatay koobka oo ay muddo 30 sannadood ah ka maqnayd, waxay xilli dambe bilowday inay samayso saxeexyo ay isku xoojinayso, kuwaas oo durba xasillooni iyo yididiilo horleh ka sameeyey Anfield.

Ciyaartoyda uu tababare Jurgen Klopp haysto, waxa ku jira kuwo aan qorshihiisa ciyaareed la jaan-qaadayn oo aanu xisaabtaba ku darsanin, waxaana ka mid ah saddex laacib oo haddaba dalabyadoodu saaran yihiin miiska oo la filayo in Reds ay degdeg ku aqbasho qaarkood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here