Ra’iisul Wasaarihii hore ee Malasia oo lagu helay eedeymo la xariira Musuq maasuq

Raiisel wasaarihii hore ee Malaysia Najib Razak ayaa lagu helay dhamaan toddobo dacwadood oo musuqmaasuqa la xariira, shanta kiis ee ugu horeeya ayaa la xiriira xatooyada balaayiin doollar ee laga xaday sanduuqa dowlada ee 1MDB, isagoo noqday hogaamiyihii ugu horreeyay ee Malaysiya oo lagu helo dambi noocaan ah.

Qaaliga Maxkamada  Mohd Nazlan Ghazali wuxuu sheegay in difaaca uu ku guuldareystay inuu shaki macquul ah ka keeno doorka Najib ee u weecinta lacag lagu qiyaasay 42 milyan oo ringgit ah ($ 9.8m heerka hadda ah).

Qodobadda uu caddeeyay Garsooraha intii lagu gudajiray aqrinta xukunka, Garsoore Mohd Nazlan wuxuu sheegay in Najib, oo sidoo kale qabtay jagada wasiirka maaliyadda, “uu u dhaqmay si ka baxsan xadka sharciga la oggolyahay” oggolaanshaha amaahda, taas oo markii dambe noqotay in lacagta lagu kula wareejiyo akoono gaar ah.

Kahor xukunka maanta, boqolaal ka mid ah taageerayaasha Najib ayaa isugu soo baxay bannaanka maxkamadda si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan siyaasiga Musuqmaasuqa sameeyay, kaasoo mar loo tixgeliyey inuu yahay ninka ugu awoodda badan waddanka.

Raiisel wasaarihii hore ayaa wajahaya toban sano oo xabsi ah, iyo sidoo kale ganaaxyo badan oo la xiriira xukunkiisii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here