Yey Dan Ugu Jirtaa Dhismaha Maqaamka Muqdisho!!

 

Sida aynu la socono ama aynu og’nahay intii uu socdey burburka, dadka Soomaaliyeed guud ahaan waxay aad ugu han weynaayeen dhisme qaran. Waxaana jirey shirar iyo isku dayo fara badan. Isku dayadaas waxaa barbar socdey sameynta maamul gooni gooni ah oo ay sameystaan gobolada iyo degmooyinka dalka.

Isku dayadaasi qaarkood waa lagu guuleystey, halka kuwa kale ay noqdeen kuwo ay fashilinayeen kooxo abaabulan oo dhismaha qaranka Soomaaliyeed uu aad u dhibayo haddii aysan iyagu hogaanka dalka iyo arragtidooda lagu shaqeyneyn.

Gobolada Woqooyi ee Soomaaliya, waxaa ka dhismey maamul dadka deegaanka ay sameysteen iyadoo aan cidina ku fara gelin in kastoo xoogaa la taran tureeyey hanaqaadkiisa wali wuu jiraa.

Koofur galbeed ee Soomaaliya, waxaa looga dhawaaqey maamul kale balse si weyn baa la isugu tegey oo waa la burburiyey!

Gobolka Banaadir ayaa sameystey maamul isku dhaf ah, haddana waa la burburiyey ugu yaraan tiro seddax jeer walina waa la hor taagan yahay!!

Waxaa ku xigey maamul goboleedka Puntland, dhismihiisa waa lagu guuleystey walina wuu jiraa. Waxaa ku xigey maamullo kale oo looga dhawaaqey gobolada dhexe kuwaa soo iska soo horjeedey isku day kasta oo la doonayey in lagu baabi’iyo maamuladda si way soo mareen balse haraagooda waxaa ka nool maamul Galmudug!

Sidoo kale, waxaa dib u dhismey Koonfur galbeed iyo Jubaland oo way dhisan yihiin si kastaba halagu dhisee

Dhamaan maamuladaasi, waxaa dhisey oo wali hogaaminaya waa dadkii deegaanka iyo kuwo la arragti ah balse Muqdisho wali waa la hortaagan yahay in dadka deegaanka aayahooda ay ka tashadaan oo maamul iyaga matala sameystaan sababtu maxay tahay!?

Yey dani ugu jirtaa dhisme la’aanta magaalada Muqdisho, maxaase diidaya in waxa ay doonayaan sameystaan shacabka ku nool si loo soo af-jaro nabad-gelyo la’aanta ka dhex jirta!?

Yaase la la sugayaa khaladaadkan jira sixidiisa mar haddii dowladdii dhexe ay Hannan la’adahay dhismaheedii guud, amnigeeda, kaabayaasheeda guud iyo kuwa gaar ahaaneed isla markaana dowladd kasta oo dhalata dastuurkeeda uu leeyahay “Muqdisho waxay yeelaneysaa maqaam gaar ah!!?”

balse waxaa is xasuusin mudan in gobolka banaadir lahaanshiyaheeda gaarka ah ay sheeganayaan beel ka mid ah beelaha soomaaliyeed masuuliyiintooda madaxda dalka soo marey qaarkoodna ay dhowr madal ka sheegeen in sadex milyan ee ku nool gobolka banaadir iyaga marti u yihiin

lama saadaalin karo natiijada dhabta ah ee ka soo bixi doonta maqaam uu yeesho gobolka banaadir oo beelaha soomaaliyeed u dhan yihiin

By-Anteena