Goobaha codbixinta Congo oo la furay

Goobaha codbixinta ayaa la furay dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo oo ah dalka labaad ee ugu wayn qaaradda Afrika.

Ku dhawaad 40 milyan oo qof ayaa xaq u leh in doorashadan ay codkooda ka dhiibtaan.

Madaxwayne Joseph Kabila oo dalka Congo ka talinayay tan iyo 2001 ayaa imika xilka ka dagaya.

Balse doorashadan waxaa hareeyay rabshado ka dhashay ka dib markii ay guddiga doorashada sheegeen in dad gaaraya 1.3 milyan oo qof aysan doorashada maanta ka qayb qaadan doonin.

Sabtidii musharaxiin iska so horjeeda ayaa waxay ku heshiin waayeen bayaan wada jir ah oo looga gol lahaa in xiisadda lagu dajiyo ka hor doorashada.

Codbixinta oo saaka billaabatay ayaa waxaa lagu wadaa in galabta maqribadii la soo xiro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here